Ciyaartooyda Koofur Galbeed oo 1-0 uga badiyay kuwa Hirshabelle

09 Dec 2017 (Puntlandes) Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo maanta galay maalintii labaad ayaa waxaa ciyaari ku dhex martay Ciyaartooyda labada dawlad Goboleed ee Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

41b6

Daawashada ciyaartan oo ay goobjoog ka ahaayeen labada Madaxweyne ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo weliba Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dowlada federalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa ay guushu ku raacday 1-0 Ciyaartooyda Koofur galbeed.

Ciyaarta ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay goolal la’aan hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda Koofur Galbeed waxa ay dhaliyeen goolkii guusha.

Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo shalay bilaamay ayaa waxa uu si rasmi ah uga furmay garoonka kubbada cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho waxaana wada ciyaaray Ciyaartooyda Banaadir iyo Jubbaland, iyadoo ay 2-1 ku badiyay xulka Banaadir.

Puntlandes.com

About The Author