Jubaland oo tartanka ciyaaraha Dowlad Goboleed ka reebtay Galmudug

16 Dec  2017 (Puntlandes) Ciyaartooyda Jubbaland ayaa 2-1 uga badiyay kuwa Galmudug Ciyaar aad u adkayd oo dhexamartay galabta oo maanta ka dhacday magaalaa Muqdisho.

41b6

Ciyaartan oo aad u xiiso badneyd ayna daawashadeeda ka soo qeybgaleen kumanaan ruux ayaa waxaa labada xul ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan hase yeeshee waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay ku badiyeen xulka Jubbaland waxana uu xulka Jubbaland u soo gudbay Semifinalka tartanka.

Xulka Galmudug ayaa waxay ka hartay tartanka dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banadir iyadoo aan wax dhibica ah lahayn, iyadoo lag badiyey labadii Ciyaar ee ay Ciyaartay.

Galmudug ayaa noqotay xulkii labaad ee ka hara tartankan iyadoo shalay xulka Hirshabelle ay ka hareen tartankan ciyaaraha iyagoo haysta hal dhibic.

Ciyaaraha Semifinalka ayaa waxaa isku soo beegmay oo wada ciyaari doona xulalka:

  • Banaadir Vs Puntland, 
  • Jubaland Vs Koofurgalbeed

 

Puntlandes.com

About The Author