Somaliland oo saaka waabarigii kusoo duushay Tukaraq iyagoo ku khalkhal galinaya booqashada madaxweynaha

08 Jan 2018 (Puntlandes) Wararka ay Warbaahinta Puntlandes ka helayso magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya dagaal inuu ka qarxay halkaas, kaasoo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ka dib markey subaxnimadii horre halkaas soo weerareen ciiidamada Somaliland.

Puntland-Somaliland

Somaliland ayaa weerarkan usoo qaaday inay carqaladayso safarka uu Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku marayo deegaanada Puntland, isagoo hadda ku sugan Caasimadda Puntland ee Garowe.

Weearkaan ay Somaliland kusoo qaaday Puntland ayaa kusoo beegmaysa xilli balanqaadkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ololaha doorashada ay ka mid ahayd hadalo hanjabaad ah.

Puntlandes.com

About The Author