Xog hoose: Gaas oo xilal u magacaabaya koox ka tirsan ”isbedeldoonka” oo ayna jifo hoose yihiin.

0

102

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta Puntlandes ayaa tilmaamaya in uu Madaxwayne Gaas xil ka qaadis ku samaynayo Agaasimaha lacagta ee madaxtooyada Puntland Cabdi Mahdi

Xogtu waxay shegaysaa in lagu bedelidoono Cabdi Mahdi Agaasime kuxigeenka Cawil Xasan Daad iyadoo  agaasime kuxigeen uu Gaas u wado Xirsi Cabdi Oog.

Labadan nin ee uu magacaabayo ayaa ka tirsan kooxda ”isbedeldoonka” waxayna jifo hoose yihiin Gaas.

Waxaa taas ka sii daran oo ay warbaahinta Puntlandes xogta ku helaysaa in uu Gaas u magacaabayo, Hay’addii ay shalay 17-07-2014 golaha wasiiradu ansixiyeen ee lagu macabay Hay’adda Horumarinta iyo Maalgashiga, Cabdishakuur Maxamuud Gurey oo ay isna jufo hoose yihiin Gaas kana tirsan kooxda “isbedeldoonka” . Hay’addaas ogoow Baarlamaan wali ma ansixin iyada iyo kuwii horeba oo Gaas shaqo abuurka u samaystay?

Gaas ayaa hogaamintii dalka waxuu ka doorbiday shaqo u abuuritaan kooxdiisa isbedeldoonka iyo jufadiisa hoose. Faahfaahin ka akhriso Falanqaynta Todobaadka iyo Puntland oo arintan iftiimisay.

 

Gaas ma dalkoo dhan buu madaxwayne u yahay mise koox gaar ah iyo Jufo gaara?

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *