Dhagayso: Wareysi dheer oo uu Wasiirka Maaliyadda DFS ku sharxayo Cantuurta ay dawladu Qaadayso

20 Feb 2018 (Puntlandes) Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo waraysi dheer oo aad xasaasi u ah siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in qaadista canshuurta iibka ee alaabooyinka jumlada ah ay muhiim u tahay shaqada dawladda iyo dhismaha kalsoonida lagu qabo dawladda.

70

Wasiir Beyle ayaa sheegay in dawladdu ay ka shaqaynayso midaynta guud ahaan canshuuraha dalka, shirar arrintaas khuseeyana ay socdaan. Canshuurta iibka ee ay dhowaan soo rogtay dawladda ayaa waxaa ka ka horyimid ganacsatada oo ku dooday inay badan tahay, waxayna ganacsatadu sameeyeen shaqo joojin iyaga oo xiray goobihii ganacsiga labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Mudane Bayle waxa uu waraysigan ku sheegay in lacagta laga doonayo ganacsatada ay tahay waajib dawli ah oo ku qoran sharciyada waddanka. Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dawladda Soomaaliya laga doonayo inay kasoo baxdo waajibaadkeeda saaran gudaha iyo dibedda sida inay bixiso mushaharaadka iyo inay sidoo kale bixiso daynta lagu leeyahay.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray in bixinta canshuurta la’aanteed aysan dawladda Soomaaliya awoodi doonin inay iska bixiso kharashaadka ku baxa hawlaha dawladda sida Mushaarka Ciidanka, Qalabkooda iyo maamulka dawladda.

Dhanka kale wasiirku ayaa ka hadlay halka ay marayaan lacigihii ay dawladdu horey u sheegtay inay soo daabacayso, isagoo sheegay inay shaqadeeda ku jiraan ayna diyaariyeen xeerkeedii.

 

Dhagayso waraysiga wasiirak Maaliyadda


Puntlandes.com

About The Author