Daawo Muuqaal Beesha Sacad Muuse oo Xoolo & Raashin ku wareejiyey Ciidanka kusoo duulay Tukaraq

22 Feb 2018 (Puntlandes) Beesha Sacad Muuse oo ay kasoo jeedaan  madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Taliyaha Ciidanka Somaliland Nuux Ismaciil Taani ayaa Xoolo nool iyo Raashin ku wareejiyey Ciidanka Somaliland ee duulaanka ku qabsaday deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

38

Deeqda ay Ciidanka qabsaday Tukaraq ku wareejisay Beesha Sacad Muuse ayaa ah:

  • 180 Ari ah
  • 200 Kiish oo Haruur ah

Taliye Nuux Taani ayaa si xoogan ugu mahadaceliyey Beeshiisa taageerada ay bixisay isagoo yiri “..waxaan is iri Gobolkii aad kasoo jeeday ayaa ku taakulaynaya oo ku dhisaya..”

Waa markii ugu horaysay oo Saxaafadda Soomaalida laga arko Beel si toos ah u dhiiri gelinaysa COALAADA ka aloosantay kadib markii ay Ciidanka Somaliland weerar ay soo qaadeen ku qabsadeen Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Maanta ma aha in Soomaalidu u dhaqmaan sidii 1991kii, waana inaynu wax ku baranaa taariikhda mana mudna in la dhiiri geliyo dhiig Soomaaliyeed oo daata ee waa in laga shaqeeyaa nabad ku wada noolaansho lagana saaraa Ciidankaan deegaanada uu xoogga ku joogo.

Daawo muuqaalka munaasabadda beeshaas deeqda ay siisay ciidanka Tukaraq qabsaday


Puntlandes.com

About The Author