Dhagayso: Madaxweynaha Somalilnad oo ka jawaabay diidmada DFS ee Heshiiska Berbera Qaadacayna inuu la hadlo dawlada Somalia

11 Marso 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Somalilnad Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay diidmada dawladda Fadaraalku ka hortimid  Heshiiska dekedda Berbera ee Itoobiya, Somaliland iyo shirkadda DP world.

19

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yiri ”qoladaas xamar joogta waxay diideen in Soomaaliya oo ah qoladii Talyaanigu gumaysan jiray ay ahaayeen laba dawladood oo si ikhtoiyaari ah oo xor ah wax isugu darsaday 1960kii, horta eraygaas ayey diideen oo dafireen su’aashu waxaa weeye ma xoog bay ku qabsadeen Somaliland oo way ka adkaadeen oo waa meel ay oiyagu qabsadeen”

Muuse oo hadalka sii wata ayaa yiri ”waxaan ku waydiiyey Berbera nimanka leh anagaa xukuna ma iman karaan ? talo ay ka taliyaan iska daaye ma iman karaan?, haday iman karaan oo Cirkeeda iyo Baddeeda soo mari karaan ha ka taliyaan, dee haddii kale waa niman iska dambaawiyey”

Dhanka kale madaxweynaha Somailand ayaa gebi ahaanba Qaadacay inuu la hadlo dawlada Fadaraalka Soomaaliya, isagoo sharuud uga dhigay in marka hore ay dawladda Soomaaliaya u aqoonsato maamulkiisa laba dawladood oo siman oo ka wada hadlaya sida uu yiri derisnimo.

Dhagayso madaxweyne Muuse Biixi


Puntlandes.com

About The Author