Sawirro: Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland oo Kormeeray qaar ka mid ah Iskuulada Galkacyo

10 April 2018 (Puntlandes) Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawlada Puntland ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay u tageen hawlo shaqo.

Socdaalka wasiirka ayaa waxaa ku weheliyey wasiirka wasaarada deegaanka iyo isbedelka Cimilada ee Puntland Mudane Cali Cabdulaahi Warsame waxaana wasiirka waxbarashadu uu maanta kormeeray schoolo ku yaal magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawlada Puntland Mudane Abshir Aw Yuusuf Ciise, wasiirka wasaarada deegaanka iyo isbedelka Cimilada ee Puntland Mudane Cali Cabdulaahi Warsame iyo Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar magalada Gaalkacyo iyo Schoolka Salaama oo ah dugsi Hoose/Dhexe waxaana sidoo kale uu socdaal ku tagay Dugsiga Hoose Dhexe ee Nasdo oo ku yaal xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Dhamaan goobahaas uu socdaalka ku tagay wasiirka wasarada waxbarashada ayuu kala hadlay Hormarinta Waxbarashada iyo Sidii ardaydu ugu diyaar Garoobi lahayeen Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2017 ilaa 2018.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16
Puntlandes.com

About The Author