Guddoomiye Jawaari oo maanta Baalamaanka ka hor-jeedin doona istiqaaladiisa

12 April 2018 (Puntlandes) Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaro oo xilka ka degaya ayaa maanta la filayaa in warqadiisa istiqaalada uu ka horjeediyo kulanka baarlamaanka.

92a3

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulanka guud ee maanta oo noqon doonta hadal jeedinta Guddoomiye Jawaari.

Kulanka maanta ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee shir guddoomiyo Jawaari, waxaana uu dib mas’uuliyadii loo doortay ee xilka Golaha shacabka ugu celin doonaa Baarlamaanka, isla markaana ka mid noqonaya Xildhibaanada.

Khubaddiisa istiqaalada ayaa noqon doonta mid uu uga hadlo dhinacyo kala duwan, marxaladihii u soo maray khilaafka iyo go’aankiisa is casilaada, si Baarlamaanka aanu u burburin.

Jawaari ayaa shirkii jaraa’id ee Talaadadii si wadajir ay u qabten isaga iyo Madaxweynaha waxaa uu sheegay inay u soo baxday in la kala roonaado, sidaasna uu ku go’aansaday inuu xilka ka dego.

Khilaafka ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ee kala qeybiyay Guddoonka iyo Xildhibaanada ayaa qeyb ahaan soo afjarmi doona, marka uu xilka ka dego, lana guda galo in la soo doorto Guddoomiye cusub oo Baarlamaan ah.

Puntlandes.com

About The Author