C/rashiid Xidig “Kama mid ihi dadka u tartamaya kursiga uu baneeyay Jawaari”

12 April 2018 (Puntlandes) Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa beeniyay warar saacadihii suuqa soo galay iyo sawirro baraha bulshada la soo geliyay oo ahaa inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

21b9

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku caddeeyay in aanay waxba ka jirin warkaas, isla markaana aanu ugu jirin xilkaas.

“Waxaan bulshada u caddeeynayaa in aan ka mid aheyn dadka kursiga uu Jawaari baneeyay u tartamaya, kuraasta dalku marka ay wada banaan tahay waa loo wada tartami karaa, oo cid kasta way u furan tahay, laakiin mar hadii lagu fadhiyo oo cid loo doortay waa in lagu ixtiraamaa”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Mr Xidig ayaa sheegay in shaqsi kasta oo bedela kursiga Guddoomiye Jawaari looga fadhiyaa is bedel inuu ku sameeyo shaqada Baarlamaanka, si loo hiigsado qof iyo cod sida uu yiri.

C/rashiid Xidig ayaa ahaa ninkii la tartamay Guddoomiye Jawaari doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee bishii January ee sanadkii 2017.

Dad badan ayaa hadal haya in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay isku soo taagi karaan shaqsiyaad aanay ka soo jeedin beesha xilligan ku fadhisay kursiga, inkastoo ay jiraan Musharaxiin badan oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo damac ugu jira xilkaas.

Puntlandes.com

About The Author