Sawirro: Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Bosaso

14 April 2018 (Puntlandes) Wafdigan ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaaladan Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo ay so dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari,kan degmada Boosaaso iyo madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaa kamid ah xubnaha wafdigan Wasiirka Amniga uu hogaaminayo,Wasiirka Beeraha XFS Mudane Siciid Xuseen Ciid,siihayaha Wasaaradda Gargaarka Cilmi Cumar Ceynsane,Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada ,Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim,xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Bandar-Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa faah faahiyay ujeedka socdaalkooda.

“Marka hore Waxaan doonayaa in aan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka magaalada Boosaaso iyo Dowlad Goboleedka Puntland  sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen,waxaa wafdiga ka socda Xukuumadda oo aniga aan hoggaaminayo uu ka kooban yahay wasiiro xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,ganacsato,salaadiin,waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo,Xukuumaddu markasta waxaa ay garabtaagan tahay dhaqanka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin as askii xukuumadaha laga soo bilaabo Carta,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda waxaan leeyahay hambalyo”.

Mas’uuliyiinta oo safarkooda lafilayo in uu qaato 2 maalmood ayaa inta ay joogaan halkani waxay kulamo kala-duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiin,waxgarad iyo qeybaha bulshada.

 

22a7

22a7a

22a7a1

22a7a2

22a7a3

22a7a4

22a7a5

22a7a6

22a7a7

22a7a8

22a75
Puntlandes.com

About The Author