DAAWO VIDEO: SOO DHAWYNTII WAFDIGA JL MADAXWEYNAHA DDSI CABDI MAXAMUUD “CARABUHU IYAGOO WADA DHASHAY BAY DAWLADO KALA YIHIIN”

Munaasabad Casho ah oo labo geesood ah oo loo qabtay soo dhawaynta waftiga madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo Gunaanadka qiimaynta waxqabadka Gobolada DDSI ayaa lagu qabtay Guriga Martida ee magaalada Jig Jiga.

Waxaana ka soo qaybgalay madax uu ka mid yahay madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomalida Itoobiya mudane Cabdi maxamuud Cumar, madaxweyne ku xigeenada DDSI iyo wafdigii Jubband oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka 1aad Cabdulaahi Sheekh Ismaciil Fartaag iyo waliba Marti sharaf kale oo lagu casuumay.

1153

Madaxweyne Cabdi ayaa ugu horayn salaam u diray dawlada iyo Shacbiga Jubbalnd iyo guud ahaan somalida.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in uu ku yimid Horumarka ay gaartay Dawlad Degaanka Soomalida Itoobiya Iskaashiga u dhexeeya Xukuumada iyo Shacabka DDSI iyo waliba Taageerada hiil iyo hoo bal eh ee ay dawlada Federaalku la garab joogto.

Wuxuu kalo madaxweyne Cabdi Maxamuud amaanay horumarka iyo Guulaha ay gaartay dawlada Jubbaland. Wuxuuna madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ay waxyaalo faradan ka caawin karaan dawlada Jubbaland., isagoo madaxweynuhu si gooni ah u carabaabay Waxbarashada, Garsoorka iyo Nidaamka Maaliyada.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka 1aad Cabdulaahi Sheekh Ismaciil Fartaag oo ka hadlay Xaflada ayaa sheegay in uu salaam uga wado madaxda iyi shacabka Jubbaland. Wuxuuna Mudane Fartaag u mahadceliyey soo dhawayntii diiranayd ee uu u sameeyey madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Wuxuu kaloo carabka ku adkeeyey in ay halkan u yimaadeen in ay Cashar ka bartaan Hogaanka wanaagsan ee madaxweyne Cabdi.

Halkan ka daawo

Puntlandes.com

About The Author