Xagee Maray Xiriirkii Somaliya Iyo Emirates U Dhexeyey?

28c9a

1969 Somaliya iyo Emirates waxay ka mid ahaayeen aas-asayashii Ururka Dowladaha Islam (OIC), waxayna ku jiraan ururka Jaamicadda Carabta.

Somaaliya iyo UAE waxay lahaayeen xiriir dheer ee dhaqan dhaqaale iyo ganacsi muddo fog soo jireen ahaa.

Ka dib, markuu bilowday dagaalkii sokeeye ee ahliga ahaa 1991, dowladihii ku meelgaarka ahaa dowladda Emirates waxay la lahayd xiriir diplamasiyeed oo safaaradda Somaliya waxay ka furnayd Abu dhabi. August 2012, Dowladdii federaalka ee Xamar lagu dhisay ee Xasan Shiikh madaxda ka ahaa, Dowladda UAE si wanaagsan bay usoo dhaweysay, ayagoo u balan-qaaday inay dhinacyo badan ka taageeri-donaan, xoriyada iyo xuduudaha Somaliyana xushmaynayaan; Waxaa dagay oo xarun u noqotay Dubai dad fara badan iyo ganacsato oo si fudud sharci iyo daganaasho uga helay, waxayna noqotay UAE isha kaliya ee wax uga yimaadaan ama usoo maraan Somaliya.

28c9c
2013 wasiiradii arimaha dibadda ee dowladda Federaalka Fowsiya Yuusuf Haaji Adan iyo dhigeedii Cabdulaah Bin Zayed ayaa ku kulmay Abu dhabi, kana wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalmayn tababarka ciidanka, waxayna kala saxiixdeen xiriir diplomaasiyeed oo adag oo dhexmara labada dal.

28a9b

2014 Ra’isalwasare Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa bookhasho sadex cesho ku tagay UAE, kalana hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta.

98a8

2015 Ra’iswasare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu muqdisho kula kulmay Safiirka Emirates Mohammed Axmed Othman ayagoo isla soo qaaday siday iskaga kaashan lahaayeen dhinaca tababarka ciidanka, meelna isla dhigay.

28c9f

2015 wasiirkii arimaha dibadda Somaliya Abdisalaam Omer wuxuu socdaal shaqo ku tagay UAE, waxayna is arkeen Cabdulahi Bin Zayed wasiirka arimaha dibadda ee Emirates, waxayna isla soo qaadeen xiriirka labada dal iyo wax-wada-qabsi.

Ilaa 2014 Emirates waxay taba-bareen kumanaal Askari oo Somali ah, waxayna bixinayeen mushaarkooda iyo agabka ay u baahanaayeen, ayagaana gacanta ku hayey; waxay maamulaayeen Isbitaal weyn oo Muqdisho ku yaalay, daawo lacag la’aan ahna dadka dan-yarta ah laga siin jiray, marka qaarkoodna waxay kabi-jireen dakhliga dowladda Federaalka, waxay mashaariic kala duwan ka wadeen dowlad goboleedyada.

28c9e

Waxaa xiriirkii soo jireenka ahaa mad-madow soo kala dhex-galay markii dowladda Federaalku dan mooday inay ku dhawaaqdo dhex-dhexaadnimada dhibaatadii ka aloosantay Khaliidka, dhabarkana u jeedisay UAE oo ka filanaysay inay dhankeeda soo raacdo, maadaama ay rumaysnayd saaxiibo dhow inay yihiin, laakiin dowladda Federaalku waxay ka doorbiday Qadar, taas oo abuurtay khilaaf soo kala dhex-gala dowlad goboleedyada iyo tan Federaalka. Heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee Somaliland, Itoobiya iyo Emirates ee dakadda Barbara ayaa dabkii sii shiday, kalana fogeeyey isfahamkii iyo wada shaqayntii Somaliya iyo UAE; Moshinkii Barlamaanka iyo DP World haka baxdo Somaliya ayaa noqotay mid kasii xanaajisa Emirates. Dowladda Federaalka waxay ku eedaysay UAE ciidamaada ay gacanta ku hayso inaysan amarka ka qaadan dowlada, marar badanna dagaal dhexmaray kuwa dowladu maamusho; waxaa heerkii ugu xumaa in xiriirku xumaado gaarsiiyey markii dayaaraddii sadexda boors oo lacagtii dhamayd 9.6 milyan ay dowladdu si ka baxsan sharciga diplomaasiyada u qaadatay, waa sida ay leedahay Dowlada Emerates oo sheegtay lacagtaa inay lahaayeen ciidamada ay tababarto, 47 Tababare oo la socday dayaradana si ka baxsan qaynuunka caalamiga ah loogu bahdilay; dowladda Federaalkuna waa qiratay in khaladaad dhacay, tasoo dhalisay in Emirates joojiso dhammaan hawlihii taba-ruuca ahaa ee xamar ka waday iyo tababarkiiba inuu soo afjaro, xiriirkiina xaalkiisu xumaan dhaafo.

Meesha ay ku danbayn Allaa og laakiin aragtidu ma fiicna.

Mahamud J.Farah

mahamudjfarah@gmail.com

Fort Mcmurray,AB

About The Author