TACSI TIIRAANYO LEH: ABWAANAD XALIIMO SOOFE

TACSI TIIRAANYO LEH ABWAANAD XALIIMO SOOFE

28c9d

 

Tacsi Innaalilaahu Wa Inna,Ilayhun Raajucuun.

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayna annaga oo ah

Ururada bulshadda(Civil society) ee hoos ku qoran

  1. Puntland Diaspora Forum Denmark.
  2. Somali Street Children Association.
  3. Hiil naafo.
  4. Farid organisation.
  5. Godob Charity association.
  6. Jubbaland Development Organization.
  7. Danish Somali Maakhir Organization.
  8. Dharoor Organization

 

 Dhamaan ehelkiidii iyo qaraabaddii iyo ummadda Soomaaliyeed iyo reer Puntlandba. Ilaahay Ha U Naxriiste Xalimo Soofe Faarax Oo Caasimada Puntland Garowe Ku Geeriyoday shalay 30,04,2018

Tacsi Innaalilaahu Waa Inna,Ilayhun Raajucuun, Maama Xalimo Soofe Faarax

 

Xalimo Soofe Faarax waxay ahayd abwaanad qaran illaa dawladdii 1960 shaqooyin kale duwana ka soo qabatay dawladdii Soomaliya, waxay ahayd wadanni, waxay ahayd halbuure suugaanta iyo dhaqanaka, waxaa kale oo lagu xasuustaa udanqadde dadka caawinta u baahan dhan walba, waxay ahayd deeqsiyad gacan furan oo caan ku ah wax bixinta sadaqadda, waxay kale oo caan ku ahayd salaad jeceyl iyo cibaado. Markale Allaha u naxariisto kitaabkeediina middigta ha ka siiyo Jannatul firdowsana ha ugu bishaareeyo.

 

Masuuliyiinta ururada. (Civil society)

  1. Abdisalam Ali Farah
  2. Omar Ahmed Shirwac
  3. Mohamed Jama Sooyan
  4. Amoon Mohamoud Ali
  5. Ahmed Mohamed Cilmi
  6. Faisa Mohamed Layli
  7. Awil Abdi Farah Ade
  8. Mohamed Qorane Mohamed
  9. Ali Mohamed Elmi
  10. Said Adam Farah
  11. Abdinasir Jama Mohmaed
  12. Ahmed Mohamed Yusuf.

 

About The Author