Dhagayso; Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir oo sheegay in uu ka shaqeyn la’ yahay xidlhibaano

03 Maj 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdulaahi ayaa eedeyey qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay inuu shaqadii loo xilsaaray uu ka wadi la’ yahay.

29b6

Dr. Aways oo maanta warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlaha Garsoorka Gobolka Banaadir ay ka wadi la’yihiin Xildhibaano mar walba soo fara galiya kiisaska dacwadaha ee ay qabato Maxkamada Gobolka Banaadir.

“Kuwa Madaxweynaha u taga, kuwa Ra’iisul Wasaaraha u taga waa inta tuugada ah ee annaga aan soo ceyrinay, anniga Golaha Shacabka waxba kama sheegaayi, laakiin qaarkood waalaga shaqeyn la’yahay, qaarkood ayaan la kaftamay, waxaan ku iri Xildhibaano Qaran miyaa tihiin, mise Qareeno qabiil ayaad tihiin, laba qof oo is heysata ayay mid soo raacayaan, Garsoorka waa shaqada ugu adag ee la qabto.” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Aweys in ay cadaalad daro tahay laba qof oo is heysata in dhinac lala safto, wuxuuna tilmaamay Garsoorka inuu muhiim u yahay shaqada Dowladda, sidaasi darteed ayuu xildhibaanada qaar ka dalbaday in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha cadaaladda.

Shalay ayay aheyd markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. yariisow) uu sheegay in uu ka shaqeyn la’yahay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay wataan dad gaar ah oo ay doonayaan in loo shaqaaleysiiyo.

Dhagayso guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir


Puntlandes.com

About The Author