Sawirro: Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS oo la kulmay wafdi ka socda midowga Yurub

09 May 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socda midowga Yurub.

Mudane; Cabdi Xaashi ayaa xubnaha wafdigan kala sheekeeystay sida ugu habboon ee loo joogtayn karo kaalmada uu midowga Yurub sii Soomaaliya.

Wafdiga ka socda midowga Yurub ayaa  Guddoomiyaha ka dhagaystay baahiyaha gaarka ah ee uu goluhu qabo iyo meelaha uu doonayo in Gacan laga siiyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xubnaha Aqalku sare ay u baahanyihiin Waddamada Yurub loo geeyo tababarro aqoon kororsi ah, gaar ahaan Dalalka uu nidaamka federaalka ka hirgalay.

Wuxuu sidoo kale Guddoomiye Xaashi, ka codsaday inuu midowga Yurub Gacan ka geysto sare u qaadidda xiriirka Aqalka sare iyo maamul Goboleedyada Dalka.

Guddoomiyaha iyo xubnaha ka socday Midowga Yurub ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka howlaha dib u eegista dastuurka KMG ah iyo sidii uu EU-ga ay Gacan uga gaysan lahaa habsami u socodka howlaha dib u eegista Dastuurka Dalka.

31c4

31c4a

31c4a1

31c4a2

31c4a3
Puntlandes.com

About The Author