Qarax sababay dhimasho oo ka dhacay magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose

10 May 2018 (Puntlandes) Qarax ayaa ka dhacay magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha, kaasoo ka kacay walxaha  qarxa oo la dhigay waddada dhinaceeda, kaddibna wuxuu haleelay gaari kuwa ciidanka ah oo marayay.

32a2a

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro badan oo isu jira dhimasho iyo dhaawac. iyadoo ay  dhinteen ugu yaraan 7 askari halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto weli ced sheegatay qaraxaan, laakiin wuxuu ku soo aadayaa maalin kaddib markii nin Naftii halige ah oo soo xirtay walxaha qarxa uu isku qarxiyay Suuqa qaadka ee magaalada Wanlaweyn, qaraxaas oo sababay dhimashada 12 qof.

Puntlandes.com

About The Author