Sawirro: Gobalka Mudug oo laga Daahfurey Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiyada Sare Iyo Dhexe

12 May 2018 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa guud ahaan Puntland laga daahfuray imtixaankii shahaadiga ahaa ee Fasalada 8aad iyo 12aad, iyadoo tirada guud ay ahayd 15000 arday oo 100 goobood ka 9ka Gobol ee Puntland.

Ardayda Gobalka Mudug ee ka mid ahaa ardayda maanta imtixaanka fariisatay ayaa tiradoodu ahayd 3800 arday taasoo ka wadarta guud 25,33%, waxaana lagu galayaa Imtixaanka 22 xaruumood oo Gobolka ku yaala.

Goobaha Imtixaanka lagu galeyo ayaa ku kala yaala Degmooyinka Galkacyo, Galdagob, Bursaalax, Xarfo iyo Jariiban. Dhamaan hawl wadeenada imtixaanka ayaa ka yimid Nugaal, Cayn, Sool, Sanaag, Hayland, Gardafuu, Bari iyo Karkaar. Halka Barayaashii Gobalka Mudug loo qaybiyey gobalada sare.

Ardayda imtixaanka galay waxaa ka mid ahaa arday Bukaan ah, oo qol gaara qabaw ama Geed hoostiis looga qaaday. Arday gacanta midig ka jaban oo arday fasalada 4aad ilaa 5aad ee dugsiyada hoose ka caawinayeen qorista halka asaguna maskaxda tuujinayo. Hooyo xaamilaa oo dici karto inta imtixaanku socdo in dhasho.

Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa munaasabadii lagu daahfurayay goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug, gudoonka waxbarashada gobolka Mudug, xildhibaano katirsan golaha Shacabka iyo masuuliyiin kasocotay wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland. hayaan.

Daawo sawirrada

1

1a

1b

2

2a

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15
Puntlandes.com

About The Author