Akhriso Puntland oo amaro kasoo saartay isu socodka Gaadiidka ee wadada u dhaxaysa Garowe & Lascano

21 May 2018 (Puntlandes) Qoraal kasoo baxay guddiga difaaca Puntland ayaa lagu amrey laamaha kala duwan ee booliska inay fuliyaan amaro ku saabsan isu socodka wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Laascaano gaar ahaan goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool.

33a5

Qoraalka guddiga ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in la xanibo gadiidka shidaalka sida ee isaga kala goosha Laascaano iyo Garowe, iyo in gabi ahaanba laga celiyo shacabka u socda ama tagaya goobaha colaadu ka jirto.

Xaaladda deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka kala socda Puntland iyo Somaliland ayaa laga dareemayaa saansaan colaadeed, Iyadoona laga cabsi qabo dagaalo qaraar oo ka dhex qarxi kara labada dhinac daqiiqad kasta.

Akhriso qoraalka
34a4
Puntlandes.com

About The Author