FAAHFAAHIN DAGAALKII MAANTA EE TUKARAQ

24 May 2018 (Puntlandes) Dagaal aad u qaraar ayaa saakadii hore ku dhexmaray Degmada Tukaraq Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

34a7

Dagaalka saaka ayaa ka duwanaa kii 15kii bishan waxaana uuna si siman uga bilowday saddex aag oo kala ah:

  1. Dhanka Dhoodida ee Tukaraq uga beegan dhanka Waqooyi
  2. Dhanka Buundada Tukaraq oo uga beegan Bariga
  3. Laba Madaxley oo dhanka Hawdka uga beegan Tukaraq una dhaxaysa Tukaraq iyo Boocame

Markii uu dagaalku bilowday ayaa ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ku kala adkaadeen labada aag ee midna dhaco Waqooyiga ee dhoodida iyo dhanka hawdka ee laba Madaxley.

Waxaana ciidamadii difaaca Puntland u suurta gashey in ay guulo deg deg ah ka gaaraan dagaalka kana qabsadaan Ciidanka Somailand  aagagii fariisinka u ahaa.

Ciidamada Somaliland ayaa isku urursaday u dhanka Laamiga iyagoo awoodoodii oo dhan isugu geeyey dhanka Buundada ee bariga Tukaraq. Aagaas ayaan ciidamada Puntland usuurto gelin inay hormar weyn ka sameeyaan, waxaana ay horey u socdeen oo qiyaastii 10km oo kaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha uu dhaliyey dagaalkaas laakiin way adag tahay in la helo tiro rasmi ah ee labada dhinac. Askar ka tirsan Somaliland oo ku dhaawacmey dagaalka ayaa la gaarsiiyey isbitaalada magaalada Laascaanood, Oog iyo Burco waxaana muuqata in Somaliland dhaawaceeda ay u qaybisey sadex magaalo.

Dhanka Garoowe waxaa isbitaalka la keenay ciidamo kusoo dhaawacmey dagaalka tiradooda saxda ma hayno.

Dagaalkii saaka ayaa ahaa mid aad u qaraar ama u culus waxa uuna socday mudo 5 saacadood oo xiriir ah, galabtana waxaa deegaankii lagu d agaalamay ka jirtay degenaash o aan cago badan ku taagnayn wuxuuna dagaalku dib u qarxi karaa saacad kasta.

Puntlandes.com

About The Author