Guddiga Amniga & Difaaca ee Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay xaaladda Gobolka Sool

30 May 2018 (Puntlandes) Guddiga Amniga & Difaaca ee baarlamaanka Puntland oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku amaanay Xukuumada Puntland sidda ay ugu howl gashay arrimaha soo celinta dhulka maqan ee Puntland, gaar ahaana waxay sheegeen in Madaxda ugu sareysa ee dawladdu ay hadda ka dhabeynayaan balanqaadyadii ay ku doorteen baarlamanaku.

3d

Gudoomiyaha Guddiga Difaaca ee baarlamaanka Puntland Saadiq Abshir Garaad oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in arrimaha hadda ka socda Laascaano ay yihiin kuwa soo dadajiyey in ay ciidamada Difaaca Puntland ay doorkooda qaataan.

Saadiq wuxuu sheegay in ay Xukuuadda & baarlamankaba ka go’an tahay soo celinta dhulka maqan ee Puntland, wuxuuna cadeeyey in dadaalka xooga badan ee socda ka sokow looga baahan yahay dadweynuhu in ay doorkooda qaataan.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayuu ku eedeyey guddiga Amniga iyo Difaaca ee Puntland in ay ka aamusan tahay Shacabka Soomaaliyeed ee loo gumaadayo in ay difaacayaan Midnimada Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay dano siyaasaded oo gaar ah ilaashanayso dawladda Faderaalku.

Go’aanka baarlamaanka Puntland iyo taageerada ay u muujiyeen Xukuumada Puntland ayaa ku soo beegmaysa xili dagaal rasmi ah ay ku dhawaaqday dawladdu, ayna doonayso in ay kusoo celiso magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.

Puntlandes.com

About The Author