Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Si Ku-Meel Gaara U Magacaabey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Qandala

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto lagu magacaabay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen kumeel gaar ah ee Degmada Qandala.

download

Xeer Madaxweyne Lr.63 ee 23 May 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Qandala.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Qandala.

Markuu Qiimeeyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

  1. Waxaa Yuusuf Maxamed Ciise si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qandala.
  1. Waxaa Cabdukhaaliq Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku xigeenka Guddoomiyaha Degmada Qandala.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

 

=DHAMMAAD=

About The Author