Odayaasha & waxgaradka Laascaano oo soo saaray go’aano loogasoo horjeedo maamulka Hargeysa

31 May 2018 (Puntlandes) Odayaasha iyo waxgaradka reer Laascaano, ayaa go’aan ku gaaray in la iska dulqaado dulmiga iyo dhibaatada maamulka Hargeysa uu ku hayo shacabka magaalada Laascaano ku nool, kuwaas oo lagu hayo caburin iyo xadgudubyo joogto ah.

36a1

Kulan xasaasi ah oo Odayaashu isugu yimaadeen, ayaa loogu baaqay shacabka Laascaano inay u diyaar garoobaan sidii maamulka Hargeysa iyo cid kasta oo dabo dhilif u ah loola gali lahaa dagaalka aan loo kala harin oo lagu xoraynayo shacabka Laascaano.

Odayaashu waxay sheegeen in dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin dad ku abtirsada Soomaali weyn kana tirsan yihiin Puntland islamarkaana aysan dhici karin in qabiil kasoo duulay magaalada Hargeysa uu dhulkooda ku maamuli kana yeelo sidii uu doono.

Waxay Odayaashu si aad ah u cambaareeyeen falalkii foosha xumaa ee maalmihii ugu dambeeyay lagula dhaqmayay shacabka Laascaano, iyagoo la isugu daray xarig iyo rasaasayn, taasina ay muujinayso cadowtinimada maamulka Hargeysa.

Odayaasha waxaa kale oo ay soo dhoweeyeen sida ay dowladda Puntland haatan uga go’an tahay in shacabka gobolka Sool laga dulqaado dhibaatada uu maamulka Hargeysa ku hayo.

Puntlandes.com

About The Author