Dhagayso: Xukuumada Gaas oo qiratay Muumul xumo iyo Musuqmaasuq

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng, Cabdi Xakiin Cumar Camey oo ka hadlayey kulan la doonayey in Macalimiinta Jaamacadu ku bixiyaan Canshuurta ku waajibtay oo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimada Puntland 17 kii dec 2014. Maxadweyne ku xigeenka ayaa si aad ah ugu guubaabiyey Macalimiinta in ay Canshuurta bixiyaan ayna dawladi ku tiirsan tahay Muwaadiniinta oo Canshuurta bixiya.

Eng Camey ayaa soo qaaday waxyaalaha ay Shacabku ku eedeeyaan Xukuumadooda oo ay ka mid tahay Musuqmaasuq iyo Maamulxumo darteen inay u soortoobi wayday in ay bixiyaan Mushahaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha dawlada iyo waliba Adeegyadii kale ee ay dawladu bixin jirtay wuxuuna yiri ”waxyaalaha lagaga sheekaynayo Maqaayadaha waa wax jira laakiin waa wax aanu rabno in laga gudbo”

Eng Camey wuxuuna yiri isagoo hadalka sii wata ”waxaan rabnaa in aanu idin waydiisano Dulqaad”

Dhagayso daqiiqada 5:50-


Puntlandes.com

About The Author