Sawiro-Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo dalka dib ugu soo noqday ka dib safar qaatay 8 Cisho oo uu ku maqnaa Ethopia

Garowe (Pes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayey oo ku maqnaa dalka Ethiopia ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21 ka dec 2014 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha ayaan habayaraatee carabaabin cida Masuulka ah oo uu kala kulmay dawlada Ethiopia marka laga reebo madaxweynaha DDI Cabdi Maxamuud Cumar isagoo sheegay in uu Wasiirkiisa Warfaafinta u diray Jig Jiga si uu ula sii hadlo Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiaya.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhoweeyey dawlada Puntland iyo Shaqaalaheeda oo aan cidi ka maqnayn iyo

dadweyne aad iyo aad u fara badan oo laga soo jafay magaalada Garowe.

Horey ayey dad badan oo wax garad ahi uga hadleen in ay ku baxdo dhaqaale aad iyo aad u farabadan soo dhawaynta iyo sii sagoontinka madaxweynaha taasoo uusan sidii caadada u ahayd madaxweyne Gaas dhag jalaq u siin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kula kulmay Ethiopia Shirkado uusan carabaabin laakiin uu sheegay in dalka imaanayaan dhawaan iyagoo maalgashanaya. Wax sharaxaad kama uu san bixin Gaas halka ay maal gashanayaan iyo Shirkaduhu waxay yihiin.

Waxaa xusid mudan in uu madaxweynuhu markuu dalka ka dhoofayey sheegay in uu ku soo noqonayo dalka mudo sadex cisho ka dib isagoo ku noqday 8 cishoka dib, halkan ka akhri warbixin faahfaahsan.

Halkan dhagayso


1200

1201

1202

1203

1204

Puntlandes.com

About The Author