Dhagayso: Gen Galaal ”Aniga aragtidaydu waa Galgaduud in ay raacdo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe”

Galkaacyo (Pes) Gen Maxamed Nuur Galaal maanta waysi siiyey idaacada BBC somali ayaa ka biyo diiday sida ay DFS wax u wado isagoo dhaliilay sida wax u socdaan.Galaal ayaa xusay in dagaaladii ka dhacay Gobol Galgaduud ay sabadteeda  uu lahaa maamul samaynta ay DFS wado. Isagoo Generalku xusay in Afar gogol oo kala korkoreeya la dhigay isagoo sheegay in Guriceel ay Beesha Cayr gogol dhigtay iyadoo qolyo kale oo Cayr ah oo Xamar ka yimid ay iyana gogol dhigeen Dhuusamareeb halka ay Beesha Saleebaan iyana gogol dhigtay Cadaado gogosha afraadna waxaa la dhigay ayuu yiri Caabudwaaq (Mareexaan).

Gen Galaal ayaa soo jeediyey in ay ku fiican tahay in ay dawlad wada dhistaan Gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya  ”Aniga aragtidaydu waa Gobolka Galgaduud uu raaco Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe”

Generaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ”Ilma adeero ismo indho buuxshaan”Wuxuu Generalku sii sharxay in dawladaas ka kooban sadexda Gobol ay noqon lahayd mid mugwayn lehna awood dhaqaale, siyaaso iyo mid dadeed.

Halkan ka dhagayso waraysigii BBC da la yeelatay Gen Galaal


Puntlandes.com

 

About The Author