Shaqalaha Maxkamadaha Puntland oo saddex bilood mushahar la’aan ah

Garowe (Pes) Shaqaalaha ka howlgalada Maxkamadaha ku yaala Gobaladda Puntland ayaa shaqaddii joojiyay ka dib markii ay sheegeen inaysan helin mudo saddex bilood ah mushaharkoodii.

Waxaa loo Xaqiijiyey Warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes.com in ilaa iyo Arbacaddii lasoo dhaafay inaysan shaqadoodii aadin qaar ka mid ah shaqaalaha maxakadaha rayidka, iyagoo sabab uga dhigay Mushaharkooda oo aysan dowladda ka helin.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Puntland Cabdiqaadir Shiikh Maxamed Maxamuud oo lal xariiray ayaa sheegay inuusan hadda diyaar u ahayn inuu ka hadlo cabashada ay muujiyeen shaqalaha maxkamadaha, iyadoona ay kusoo aadayso arrintan xili wasaradda Maaliyadda ay bilowday qaadista canshuurta bariga.

Sidoo kale waxaa mushahar la’aan ka cabanaya ciidanka Amniga oo qaarkood ay gadood sameeyeen, mana jirto faah faahin rasmi ah oo dowladdu ka bixisay sababta bilihii lasoo dhaafay mushaharka loo bixin waayay.

Maxay tahay Garsoorka laga sugayaa shaqaale aan Mushahaar qaadan 3 bilood? ma wuusan u baahnayn wax uu ku noolaada? Xaggee ku baxdaa Canshuurta faraha badan ee laga qaado Muwaadiniinta reer Puntland? Ma saanayse ku dambaysay Barwaaqadii, Horumarkii iyo Cadaaladii uu Dr Gaas balan qaaday? Su’aalahan iyo kuwa kale oo farabadan waxay ka dhex guuxaysaa Shacabka dawladnimada iyo kala dambaynta jecel ee reer Puntland. Waxaana jawaabtooda looga fadhiyaa madaxweyne Gaas iyo Baarlamaankii Doortay.

Puntlandes.com

About The Author