Xaggee ku dambeeyey madaxweyne Gaas? (Daawo markuu dhoofayey)

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu ka dhoofay Puntland markay bishani ahayd 14 ka oo ahayd maalin Axad ah isagoo u dhoofay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuuna sheegay markuu duulayey sida aad Videoga ka daawan kartaan in uu safarkiisu yahay mid qaadandoona sadex cisho uuna dalka ku soo laabandoono 17 ka dec oo ku beegnayd Arbadii la soo dhaafay. Waxaa horyaalay madaxweynaha hawlo badan oo ay ka mid ahayd in uu hortago Qudbadii xiritaankana ka jeediyo Baarlamaanka Puntland.Taasi maysan dhicin oo maalin dheeraad ah ayaa loogu daray waxaana Baarlamaanka la soo xiray maalinkii Khamiista oo ahayd18 ka dec 2014, iyadoo aysan jirin sidii dastuuriga ahayd cid Qudbad ka jeedisay.

17

Madaxweyne Gaas ayaa meeshii uu ku soo noqon lahaa dalka 17-12-2014 waxaa halmar warbaahinta taageerta laga arkay isagoo kulan qado ah Dalka Ethopia kula qaatay Ganacsato ka soo jeeda Dawladda deegaanka soomaalida Ethopia iyo Wasiirka arrimaha Bulshada ee Dawladda Federaalka Ethopia Mudane Cabdifataax Shiikh Cabdi. Wax kale oo war ah oo ku saabsan safarkiisa iyo cida uu la kulmay midna looma soo gudbin saxaafada madaxbanaan. Waxaa kale oon la sheegin sababta uu ilaa maanta oo Sabti ah bishuna ay tahay 20 dec uu ugu maqan yahay Itoobiya iyadoo qorshuhu ahaa 3 maalmood uu qura taasoo ku ekayd Arbacadii la soo dhaafay ee bishu ahayd 17 dec.

1197

Hadaba su’aasha iswaydiinta mudan waa mee madaxweyne Dr Gaas? Ma saxbaa in uu dhaho markuu dhoofayo sadex cishaan maqnaan hada uu sii maqan yahay 7 cisho oo aana laga warhayn sababta dheeraysay safarkiisa.

Halkan ka daawo

Puntlandes.com

About The Author