Mucaaradka Somaliland oo hadlay Wadahadalka Somaliland iyo Somalia ee Jabuuti

Xisbiyadda mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wadda haladdda Somaliland iyo Somalia uga bilowday magaalada Jabuuti ee dalka jabuuti.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa xukuumaddda Somaliland usoo jeediyey inay shacabka iyo xisbiyadda mucaaradka ah uga xog waranta kulamadaasi waxay ka wadda hadleen, isla markaana uu xusay inuu isagu mar walba doonayo inuu arko Somaliland oo madax banaan.

“Hadallada Somaliland & Somalia waxa uu  Xisbiga WADDANI uu aaminsan yahay kana shaqaynayaa in la helo qaran Somaliland oo madax banaan oo kamid ah mujtamaca dawliga ah, waxaan xukuumada u soo jeedinayaa in ay asxaabta mucaaradka iyo shacbka ay uga xog waranto, wada hadalada aynaan xog badan ka ogayn ee Somaliland iyo Somalia ee socda, si ay umaddu xogagaal ugu noqoto masiirkeeda” ayuu  yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayey aragtidiisa ku aadan wada hadalkaasi.

Sidoo kale, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee Jabuuti ka furmaya ee Jabuuti marti galisay.

“Jabuuti IGAD ayay ka mid tahay, anigu inbadan ayaan lahaa arimaheenu waxay ka bilaamaan IGAD, waxayna ku dhamaadaan Qaramada midoobay,waxaanan u arkaa wadadii habonayd,Ismaciil Cumar Geele-na arintan ayaad ayuu uga war hayaa, maalintii dhawayd ee aan Jabuuti qabtayna, waan ku booriyay inuu arintan gacanta ku dhigo. Waan soo dhawaynaynaa waxaanan rajaynayaa inay guul la taaban karo kala yimaadaan” ayuu yidhi Waraabbe.

Waxaanu intaas ku daray. “Wadahadallada Somaliland iyo Somalia waa arin Qaran oo waa tii lagu bilaabay, Aniguna waxaan ka mid ahaa raggii bilaabay, Waa kuwii haddana bishii july naga saaray, arimahani waa arimo Qaran oo la wada leeyahay, haddii ay xukumadddu naga reebtay wada hadalada Somalia waxay ahayd in bal markay ay tagayso inay na soo wargaliso, oo xiliga ay tagayso noo sheegto, oo waxay la tagayaan noo sheegto.Marka waxa weeye inay Madaxdaasi qaranka uga waramaan wixii lagu wada hadlay iyo qolo walba waxay la shir yimaadeen.”

Si kastaba ha ahaaatee, xisb iyadda mucaaradku ayaa si degan uga hadlay, isla markaana xukuumadda usoo jeediyey inay shirarka noocan oo kale ah xog dhamaystiran ka siiso xisbiyadda iyo shacabka.

Puntlandes.com

About The Author