Akhriso: Heshiiska ay wada gaareen madaxweyne Xasan Shiikh Iyo madaxweyne Siilaanyo

Gaalkacyo (Pes) Waxaa maanta ka soo baxay magaalada Jabuuti heshiis ay wada gaareen madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo uu isu keenay labada dhinac Madaxweynaha Dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele .

Heeshiiska ayaa u qornaa in ay wada saxeexeen laba madaxweyne waxayna u qornayd waxaa heshiiska wada xaseexaya Dawlada Soomaaliya iyo Dawlada Somaliland taasoo muujinaysa in ay Somalind tahay dal gooni ah.

Heshiiska ayaa ah mid aad u mugwayn saamaynayana midnimadii dalkii la oran jiray Somalia.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray ayaa ahaa

  1. In la dar dargeliyo wada hadalada labada dhinac, isla markaana waqti lagu jaangooyo.
  2. In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii horey loogu heshiiyay.
  3. In laga fogaado wax kastoo wada hadallada carqalad gelin kara
  4. In aan la siyaasadeen deeqaha beni’aadannimo, maashaariicda dib u dhiska lana dhiirageliyo.
  5. In la fuliyo heshiiskii hawada ee labada dhinac u dhaxeeyey, iyadoo hab farsamo lagu saleeyo.
  6. In Wada hadalada laga qeyb geliyo dowladda Jabuuti, marka loo baahdo.
  7. n wada hadalada xiga ay dhacaan  26-27-ka ee bisha February ee sanadka soo socda laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si arrimahaan loo sii ambaqaado.

Hoos Ka Akhri Heshiiska, Sawiradana ka daawo

1207

1208

1210

1206

1209

 

Puntlandes.com

 

About The Author