Sawirro: Hoobiyayaal lagu garaacay qeybo kamid ah Muqdisho & Khasaaro ka dhashay

01 July 2018 (Puntlandes) War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in tirro Hoobiyayaal ah lagu garaacay xerada Xalane Ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada wadajir, iyadoo qaar ka mid ah ay ku dhaceen Xaafadaha ka agdhow Xeraddaas .

Wararka ayaa Waxay sheegen in tirada ugu badan ay ku dhaceen Obasiibka Xaafada Xalane ee degmada wadajir, isla markaana mid ka mid ah Hoobiyayaasha uu ku dhacay guri ay deganaayeen dad Shacab ah.

Hoobiyayaasha ayaa waxyeeleeyey qoyska ku noolaa guriga uu ku dhacay, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in goobaha uu ku dhacay Hoobiyaha uu ku jiray dugsi Qur’aan.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay Hoobiyeyaashaas ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah  isbitaalada ku yaalla muqdisho si loogu daweeyo.

Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 5 ruux ay ku dhaawacantay Hoobiyeyaasha sidoo kalane ay jiraan dad aad u liita oo garaab ahaan lagu gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Dhanaka kale warara aan aan ewali xaqaiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho ugu yaraan labo qof ah.

Dhinaca kale, tuurista Hoobiyayaasha ayaa kusoo beegmaaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socto Munaasabadda 1-da Luulyo.

41a3

41a3a

Puntlandes.com

About The Author