Daawo Video: Dhulbahatoow, Farmaajo waa kaas

01 July 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo maanta ka hadlay munaasabad lagu xusayey sanadguuradii 58aad ee kasoo wareegtay markii ay Gobolada Koonfureed ka xoroobeen Isticmaarkii Talyaaniga isla markaasna ay midoobeen Waqooyi iyi Koonf ayaa ka hadlay dagaalka Tukaraq isagoo sheegay inuu yahay mid bilaa macne ah.

41a5

Dagaalka Tukaraq  wuxuu u dheexeeya labo ummaddood oo midina aaminsan tahay midnimad iyo wadajirka Soomaaliyeed inay Muqadas tahay halka tan kale oo dagaalka soo qayna ay ku shaqaynayaan kala gaynta ummadda Soomaaliyeed.

Laga soo bilaabo 1991dii markii ay Jabhadii SNM ku dhawaaqday kala gaynta dalka Soomaaliya waxay waday dagaal ay doonayeen inay xoog kula wareegaan gobolda Sool, Sanaag iyo Cayn oo ka mid ah gobolada ku midooobay Puntland isla markaasna doonaya midnimada Soomaaliya.

Dagaaladaas ay SNM waday waxaa ku naf waayey muwaadiniin badan oo Soomaliyeed oo kasoo jeeda deeganadaas, waxaana ka mid ah meelaha dadkaasi difaacayey midnimada Soomaalyeed ku dhinteen Aricadeeye, Laascaanood, Kalshaale, Maygaagle, Hagoogane, Dhahar, Badhan iyo Tukaraq.

Farmaajo oo ah Madaxweynaha dhaman ummadda Soomaliyeed ma wuxuu bilaa macne ku tilmaamay dhiiga muwaadiniinta naftoodii u hibeeyey difaaca midnimada Soomaaliyeed, ma waysan ahayn inuu difaaco sida ku cad dastuurka uu ku dhaartay Midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed?

Farmaajo Gabdhaha reer Laascaanood ee maalin kasta ay ilmadu ka qubanayso oo uu xooga ku haysto deegaankooda maamulka Muuse Biixi ma wuxuu ku tilmaamay bilaa macno?

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu wadahadalo la geli doono Somaliland isagoo waliba garowsiiyo siiyey maamulka Muuse Biixi oo daadinaya dhiiga shacab Soomaaliyeed, warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu Farmaajo ka shaqaynayo sidii uu Muuse Biixi ku sii haysan lahaa gobolada SSC.

Gabogabadii tan iyo markii uu xilka madaxweynaha dawladda Soomaaliya qabtay Farmaajo waxaa taageerayaal u ahaa Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ee xilalka ka haya dawladda Puntland iyagoo ku doodayey in uu yahay madaxweyne daacad ah oo dalka ku hogaaminaya wadada saxda ah.

Waxaa iswaydin leh Madaxweyne kuxigeenka Puntkland Camey iyo wasiirkka Duulista Axmed Karaash ma u arkaan hadda inuu Farmaajo dalka ku hogaaminayo wadada saxda ah?

Daawo muuqaalka Madaxweyne Farmaajo kaga hadlay Tukaraq iyo Somaliland

Puntlandes.com

About The Author