Daawo Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo weerar afka ku qaaday Madaxda dowladda

08 July 2018 (Puntlandes) Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Ibraahim Cali (C/casiis Xildhibaan) ayaa weerar afka ku qaaday Madaxda dowladda iyo Xukuumadda, isagoo su’aal ka keenay sababta ay ku suura gashay in gaari qarax ah uu soo gudbo goob qad cagaaran ah.

42b8

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in isla xisaabtan dhab uu yimaado, balse isla xisaabtanka aanu noqon mid afka ah.

C/casiis Xildhibaan ayaa yiri “Sidee suura gal ku noqotay in shalay Qarax uu dhaco, sidee baabuurka uu ku yimid meeshaiyadoo magaalada qad cagaaran uu ka jiro, ma arkin Hoggaamiye fuliya balan-qaadka shacabka, hadana maalin kasta aad u sacbisaan”

Waxaa uu sheegay in mar walba la doorto Madax tuugo ah oo boorso wadata oo ka adeeganeysa shacabka, isla markaana aanay jirin qof isku casilaya xil uu gudan waayay.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author