Maxay ku heshiiyeen hoggaamiyaasha Itooboiya & Eritrea?

09 July 2018 (Puntlandes) Wadamada Itoobiya iyo Eritrea  ayaa ku heshiiyay in dib loo hagaajiyo xiriirka diblomaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeyay labada dal, kadib 18 sano oo ay dirirsanaayeen labada dal,taasi oo soo ifbaxday kadib markii dhawaan la doortay raiisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.

42b9

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa arrintan ku dhawaaqay, kadib kulan taariikhi ah oo labada hogaamiye ku dhxemaray magaalada Asmara,kaasi oo ah  markii ugu horeesay oo madaxda labadan dal ee dariska ah ay kulmaan muddo labaatan sano ah.

Hogaamiyaasha Labada dal ayaa waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo khadadkii taleefoonada iyo duullimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray labada wadan.

Xiriirka xumaaday ee labada dal ayaa ah mid salka ku hayo muran dhanka xadka u dhaxeeya labada wadan, kaasi oo dagaalka ka dhashay ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof tan iyo sagaashameeyadi.

Sanadka markuu ahaa 2000 markii uu meesha ka baxay heshiis ay wada gaareen kaasi oo dhanka xuduuda ku saabsanaa ,ayna diiday Itoobiya,taasi oo dhalisay dagaalo sokeeye oo labad adal u dhexeeyay.

Safarka ra’iisul Abiy Axmed  ayaa waxaa uu daba joogaa booqasho ay dhawaan wafdi ka socda dalka Eritrea ku yimadeen magaalada Addis-ababa.

Hadal jeedin toos ahoo laga siidaayay warbaahinta labada dal ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu ku sheegay inay sidoo kale ku heshiyeen in midba dalka kale uu ka furto safaarad iyo in dowladda Eritre ay Itoobiya u oggolaatay inay adeegsato dekedaha dalkaasi.

Kulanka labada hogaamiye ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyay shacabka dalka Eritrea oo calamada labada wadan la tagnaa hareeraha wadooyinka magaalada Asmara.

Puntlandes.com

About The Author