Akhriso: Meereeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada oo shaqada laga joojiyay

10 July 2018 (Puntlandes) War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Qoraal ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar oo ku taariikheysnaa 9 bisha July ayaa lagu sheegay shaqadii iyo saxiixii Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Mr Yuusuf Jaalle.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in si KMG ah shaqada Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada loogu dhiibay Maareeye kuxigeenka Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqo joojintan lagu sameeyay Maareeyaha ay salka ku heyso arrimaha is qabqabsiga ka dhex jira Shirkadaha Diyaaradaha oo isku hayay arrimaha xajka, sidoo kale waxaa socday qorshe la doonayo in dib lagu soo nooleeyo Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliya ee Somali Airlines oo ay wadaan siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada.

Yuusuf Jaalle ayaa ka mid ahaa saaxibada Madaxweyne Farmaajo, isagoo ahaa Madaxii Ololaha Doorashada, waxaa muranka maalmahan ka jiray is qabqabsiga arrimaha Xajka iyo qorshayaal ka socday Labada xafiis waxay u muuqdaan kuwo isku xiran, marka loo eego shaqsiyaadka ku lugta leh arrimahan oo aad ugu dhow Madaxweynaha.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu xilka ka qaaday wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macalin Xuseen, isagoo xilka Wasaaraddan hayay wax ka yar labo bilood.

43b1

43b2
Puntlandes.com

About The Author