PROF CALI KHALIIF GALAYR OO LAASCAANOOD SOO GAARAY, MUXUU YAHAY QORSHIHIISU?

10 July 2018 (Puntlandes) Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku sugan Prof Cali Khaliif Galayr, isagoo kasoo kicitimay magaalada hargaysa oo uu ka soo diray madaxweynaha maaulka Jeegaanta Muuse Biixi.

43b3

Ujeedada uu Cali u yimid Laascaanood ayaa ah sidii hub iyo Ciidan Beeshiihiisa Bahararsame ay lahayd uu ugu soo biirin lahaa maamulka Muuse Biii si ay dagaalka Tukaraq ugala qayb qaataan.

Hubka iyo Ciidanka Bahararsame oo uu u yimid Cali inuu Muuse Biixi ku wareejiyo ama u qarameeyo ahaa ah 14 gaari oo kuwa teknikada ah iyo Ciidan gaaraya 150 ilaa 200.

Hubka iyo Ciidanka Bahararsame ayaa waxaa fariisin u ahaa deegaanka Kalabaydh oo 30km magaalada Laascaanood u jirta dhanka hawdka.

Cali ayaa horay ugu guulaystay in ciidankaasi ay diidaan inay kusoo biiraan abaabulka ay Puntland ugu jirto inay ku xorayso dhulka uu haysto maamulka Muuse Biixi gaar ahaan gobolka Sool.

Waa kan Siyaasi Cali Maraykan oo ka hadlay arimaha foosha xun oo taariikhda galaysa oo Cali Khaliif ku majaro habaabinayo beeshiisa hoose (Bahararsame)

Puntlandes.com

About The Author