Wararkii u dambeeyey ee Qaraxyadii & weearkii Muqdisho

14 July 2018 (Puntlandes) Labo qarax oo is xigay ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo mid ka mid ah jugtiisa si aad ah looga maqlay magaalada oo dhan, iyadoo la arkayay uuro cirka isku shareeray.

44a3

Dableyda ayaa Qaraxyada kadib weeraray goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan kuwo loo yaqaano Koofigaduuda iyo kuwo Boolis ah oo ku sugnaa afafka hore ee Madaxtooyada Somalia.

Labada Qarax oo loo adeegsaday laba gaari oo nooca raaxada ah ayaa waxa uu kan koowaad ka dhacay agagaarka Madaxtooyada gaar ahaan meel ku dhow Hoteel SYL oo kasoo horjeeda dhismaha Madaxtooyada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ay raggii hubeysnaa u suura geli weyday inay soo dhaafaan Barta koontaroolka, isla markaana la wada toogtay.

Qarax labaad ayaa markii dambe ka dhacay meel ku dhow MCH-ka Isgoyska Ceel Gaabta, kaasoo ahaa gaari goobta yaallay.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo uu sababay weerarkani, waxaana hadda gawaarida gurmadka degdega ay daad-gureynayaan dhaawacyada ka dhashay qaraxyada.

Puntlandes.com

About The Author