Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga

18 July 2018 (Puntlandes) Kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxtooyada, Wasaaradaha dalka, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Bangiga Adduunka iyo saraakiil ka socda dalka Bakistan oo fulinaya hannaanka bixinta kaararka Aqoonsiga.

 

Ujeedka kulankan ayaa ahaa dardar-gelinta Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya (Somali National ID) iyo sidii loogu fududeeyn lahaa muwaadin kasta oo Soomaalyeed qaadashadiisa. Sidoo kale khubarada ayaa soo banhigay faa’iidooyinka uu u leeyahay doorashooyinka dalka, ammaanka iyo bini aadannimada.

 

Dhammaan dhinacyada kulanka isugu yimid ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah loo guda galo fulinta howsha kaararka Aqoonsiga ee digital-ka ah inta aan la gaarin doorashooyinka 2020 dal ku uu gali doono.

 

Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in bilowga sanadka 2019 la-qoorsheynayo daah furka diiwaangalinta muwaadiniinta qaadanaya Kaarka Aqoonsiga.

 

“Marka la gaaro bisha Janaayo 2019 waxaan bilaabi doonaa diiwaangalinta dadka, waxaan rajeyneynaa inta ka horreysa in aan dhammeystirno wax walba oo loo baahan yahay oo fududeynaya shaqadaan, innaga oo kaa shaneyna Bangiga aduunka iyo hey’adda ka socda dalka Bakistaan oo shaqadan nala qaban doonta” ayuu yiri Dr Nuur Fuursade.

 

Tobankii maalin ee ugu dambeysay waxaa dalka ku sugnaa wafdi qubaro ah oo ka socday Shirkadda NADRA oo ah waaxda dowladda Bakistaan u qaabilsan fulinta nidaamka Kaararka Aqoonsiga, kuwaas oo u joogay xog uruurin ku saabsan hirgalinta Barnaamijka Kaararka Aqoonsiga qaran ee dhawaan la bilaabo doono.

44b2a

44b2a1

44b2a2
Puntlandes.com

About The Author