Daawo Video: Cabdiraxmaan Cirro oo ku eedeeyay Maamulka Somaliland in uu ka qeybgalay Shirka Brussels

20 July 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyay Maamulka Muuse Biixi in uu wakiilo u dirsaday shirka lagu soo gabagabeeyay magaalada Brussels.

44b1

Siyaasi Cirro ayaa ku tilmaamay siyaasada Arrimaha Dibada Somaliland mid marayso meel aad u hooseyso muxuuna yiri ”Waxaa maanta meeshii ugu hooseesay maraya siyaasada arrimaha dibada Soomaaliland oo go’doon siyaasiyeed sii galaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya sawiro muujinaya  in Somaliland maqaamkeedu hoos u sii socda”

Cabdiraxmaan Cirro ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Maamulka Muuse Biixi uu shirka ka dhacay Brussels ay u dirsadeen Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr.

Sidoo kale guddoomiye Cirro ayaa ka hadlay arrimaha dhaqaalaha Somaliland isagoo sheegay in waxana uu sheegay in Somaliland ay ku jirto marxalad dhaqaale iyo habacsanaan Maamul, balse sheegay in mas’uuliyadiidaas ay qaadi doonaan Xisbiga Kulmiye .

halkan ka daawo shirkii jaraa’id ee gudoomiye Cirro


Puntlandes.com

About The Author