Dagaal Beeleed ka dhacay Degaanka Ceeryaan ee Ceel Afwayn

24 July 2018 (Puntlandes) Saaka ayaa waxaa ka dhacay degaannada galbeedka Sanaag dagaal u dhexeeya Beeliha Ceel Afwayn, kaas oo ka dhacay degaanka Ceeryaan ee galbeedka Sanaag.

33a2

Warar hordhaca ah ayaa sheegayaa in dagaalkaasi sababay ugu yaraan saddex qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca intaas ka badan.

Ma cadda sababta dagaalkani ka dhashay iyadoo uu hadda ka socdo Degmada Ceel Afwayn shirwayne lagu heshiisiinayo beelahaas.

Puntlandes.com

About The Author