Ra’iisul wasaaraha oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Waxbarashada XFS

26 July 2018 (Puntlandes) Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

44d8

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta Qaranka ka akhriyey Digreetadan.

Puntlandes.com

About The Author