Warbixin: Imisaa Wasiirrada RW Kheyre shaqada ka tagay, uu ka qaaday ama la dilay?

27 July 2018 (Puntlandes) Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii hore, waxaa wasiirradiisa sababo kala duwan uga tagay kalabbar, sidaas ay tahay wasiirrada kuma tagin howl gudasho la’aan, si shaqada loo hagaajiyo ama xataa dadka iyaga ka fiican loo keenno, intooda badan waxaa ay ku baxeen khilaafaad kala dhaxeeya wasriirka 1aad ama bulshada rayidka ah.

44d9

Feb 23, 2017: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas.

March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa.

Wasiirada xukuumada Khayre ee Iscasilay, xilka laga qaaday ama dhintay

1- Wasiirka Howlaha Guud Cabaas Cabdulaahi Siraaji oo la dilay 3dii May 2018

2-Wasiirka Howlaha Guud Cabaas saadiq cabdulaahi Cabdi (la magacaabay 22 aug 2017) 23kii may 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre

3-Wasiirka Gaashaandhiga C/rashid C/llaahi Maxamed oo xilka iska casilay 12kii nov 2017

4-Wasiirkii Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka Maryan Qaasim Axmed oo xilka iska casishay 15kii nov 2017

5-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta soomaaliya Iimaan Cabdulaahi Cali 26kii Nov 2017 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre

6-Wasiika Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad 4ta Jan 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre

7-Wasiirka Arimaha Gudaha & Fadaraalka Juxaa 4ta Jan 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre

8-Wasiirka warshadaha iyo ganacsig Khadra Axmed Ducaale 4ta Jan 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre

9-Wasiirka Warfaafinta Yariisow oo xilka iska casilay 20kii Jan 2018

10-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018

11-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Saalim Caliyoow Ibroow oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018

13-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yarow oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018

14-wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo federaalka Cali Sheekh Maxamed Nuur oo xilka iska casilay  24kii Abril 2018

15-Wasiiru dowlaha Warfaafinta Cabdi Casis Xasan Maxamed oo xilka iska casilay 24kii Abril 2018

16-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xasan Macallin Xuseen Cusmaan 9kii July 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre

17-Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan 26ka July 2018 ayuu xilka ka qaaday RW Khayre

 

Waxaa icasilayama uu xilka ka qaaday Ra’isul wasaaruhu marka lagu daro Cabaas oo la dilay waa 14 wasiir oo buuxa, 2 wasiir kuxigeen iyo hal wasiirul dawale taas oo isuygayn ah 17 wasiir. Xukuumadda Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa xilka baneeyey 14 wasiir oo buuxa oo u dhiganta 53.85%, iyadoo tirada guud ay ahayd 26 wasiir.

Puntlandes.com

 

About The Author