Daawo Video: Wasaradda Shaqada iyo shaqalaha Puntland oo ka hadashay qaabka Imtixaanka shaqalaha dowladda loo qaadayo

Garowe (Pes) Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo shaqalaha dowladda Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay Cabashooyin maalmahan ka imaanayey Shaqaalaha Rayidka iyadoo ay maantana ka dhacday magaalada Garowe Banaanbax looga Cabanayey arintaa. Waxay kaloo maanta Shaqaaluhu ay ka Cabanayeen mushaharkooda oo ka maqan.

Wasiirka ayaa dhinaca kale Sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sifada loo marayo qaabka Imtixaanka shaqalaha dowladda looga qaadayo, taasoo uu sharaxay, waxa kale uu sheegay inay tartan shaqadda u wada galayaan shaqalaha ka dibna lagu kala baxayo.

Wasiirka ayaa isagoo Sharxaya Sababta Imtixaankan looga qaadayo shaqalaaha dowladda ayaa sheegay in ay salka ku hayso sidii loo dhimi lahaa Agaasime waaxeedyadda oo ku badan wasaradaha dowladda kuwaasoo qaarkood shaqooyinka ay hayeen aysan kala cayimnayn. Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in Wasaaradaha qaarkood leeyihiin 16 Agaasime Waaxeed oo aysan shaqadoodu kalaa qaadnayn.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aan cidna la eryayn oo aysan jirin Shaqaale la Eryayo. Isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Qofkii Imtixaanka diida am ku dhacda in uu noqonayo shaqaale lagu meeleeyo wasaaradaas.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in qofkii dhintay oo caruur lehna waxaa la siinayaa Mushahaarka Caruurtiisii inta ay ka gaarayaan 18 sano.

Halkan ka daawo

Puntlandes.com

About The Author