(Warbixin-Video)Imaaraadka oo sheegay inay dowladda Soomaaliya ka sugeyso raalli gelin dhacdadii Garoonka Muqdisho

29 July 2018 (Puntlandes) Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ahaan dowladda Soomaaliya  ka dalbatay in marka hore ay raalli gelin ka bixiso dhacdadii lagula wareegay lacagtooda, iyadoo sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka laga dhexwado dhexdhexaadin.

44f12

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladdiisa ku xadgudubtay, markii ay la wareegtay lacag ay u wadeen ciidanka Soomaaliya.

Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan garowsatay khaladka ay ka gashay Imaaraadka.

“Waxaan dowladda Soomaaliya ka sugeynaa inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo ka hadlayay Xarunta Cilmi Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London.

Mr Gargash ayaa xaqiijiyay inay jiraan dagaalo lagu dhex dhexaadinayo Imaaraadka iyo Soomaaliya, inkastoo aanu sheegin cidda wada dadaalada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka khaliijka, isla markaana ay muuqatay ifafaalaha xiriirka Madaxtooyada iyo Qatar.

 Daawo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash


Puntlandes.com

About The Author