Dawladda Fadaraalka oo shaacisay inay samaynayso Xisbi weyn oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo

29 July 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka dhawaajiyay in dhowaan dowladdu furan doonto Xisbi weyn.

43ca2

Mahdi Guuleed ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu soo qaban qaabiyay Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu weydiiyay sababta ay dowladdu u furan la’dahay Xisbi, si ay isku diiwaan geliso.

“Waxaa laga dhawaajiyay in dowladdu ama Xukuumaddu Xisbi furato, Waxaan soo wadnaa Xisbi weyn oo ah xisbiga xisbiyada oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu hoggaamin doonaa Siyaasaddii Guushii 8 February, marka hala iska jiro, yaan la idin gaadin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay rajeynayaan in doorashada 2020 in la dooran doono Madaxweyne Farmaajo, iyadoo lagu dooran doono barnaamijkiisa siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran ayaa isku diyaarinaya in sanadka 2020 ay qabtaan doorasho qof iyo cod, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan xisbiyada Siyaasadda.

Puntlandes.com

About The Author