DAAWO MADAXWEYNE GAAS OO SHEEGAY INUU CALI XAAJI KU FASHILMAY XILKII UU U DHIIBAY

29 July 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi uu siiyay mid ka mida telefishinada Soomaalida { RTN TV } oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey Siyaasi cali Xaaji ayaa waxa uu sheegay inuu yahay nin FASHILMAY.

44c8a8

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa la waydiiyay eedaymo uu usoo jeediyay wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo la xiriiray in musuqmaasuqii ugu xumaa Puntland uu ka dhacay intii uu xilka hayay Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri isagoo ka jawaabaya su’aashaas “Cali Xaaji Waxuu ku fashilmay shaqadiisa Hadii uu musuq masuq igu eedaynayo Cadaymo ayaa laga rabaa lkn nin shaqadiisi ku fashilmay oo ka soo bixi waayey hadalkiisu waxba Suubin mayo 2sano ayuu wasiir ahaa hadii musuq masuq jiro maxuu markaas u sheegi waayey oo isu casili waayey ma markii uu shaqadiisi ku fashilmay oo laga qaaday miyuu musuq baa jira leeyahay”

Madaxwayne Gaas sidoo kale waxaa la su’aalay in Cali Xaaji  Warsame uu abaal siyaasadeed ku leeyahay oo guushiisii doorashada gacan wayn uu ka gaystay sida uu cali yiraahdo, madaxweyne Gaas ayaa wuxuu ku jawaabay “Waxba kama jiraan Qofka codeeyaha ah isagaa codkiisa leh hadii Abaal jiro anaa ku leh oo wasiir ka dhigay isagoo shacab ah oo meelahaas iska jooga”

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author