Akhriso Dowladaha Somalia & Eritrea oo heshiis ku saxiixday magaalada Asmara

30 July 2018 (Puntlandes) Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho seddex maalin ah ku jooga magaalada Asmara, ayaa heshiis la galay madaxweynaha Eritrea.

44h6

Heshiiska oo ka kooban afar qodob ayaa diiradda lagu saaray wanaajinta xiriirka cusub ee dhexmaraya labada dowladood, waxaana heshiiska uu u qornaa sida tan

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda:

1-Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna
leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.
Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2-Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan
lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3-Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4-Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo
horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

DhAMAAD

About The Author