Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo dhagax dhigay Dekadda Garacad

31 July 2018 (Puntlandes) Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 31da July 2018ka lagu qabtay magaalo xeebeedka Garacad ee degmadda Jariiban ee Gobolka Mudug munasabad si weyn loo soo agaasimay, taas oo lagu dhagax dhigay dhismaha cusub ee dekadda Cusub ee Garacad.

Munsabadda waxaa kasoo qaybgalay madaxweynaha dowladda Puntland oDr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Golaha wakiiladda, wasiiro,Xildhibaano,Isimo, Nabadoono, Shirkaddii dhisi lahayd Dekedda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka hadlay goobta waxaana uu sheegay in dhismaha dekadaani qayb ka yahay mashaariicda horumarineed ee bulshada Puntland ku dhisanayaan isku tashi & wax wada qabsi.

Xafladda dhagax dhiga waxaa ku casumnaa Raisalwasaaraha dowladda Faderalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahan Puntland kusugan, waana uu diiday inuu tago.

Raisal wasaare khayre waxaa wararku sheegayaan in qorshayaashiisa ay kamid ahayd markii hore inuu dhagax dhigayo dhismaha cusub ee dekadda garacad.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah Isinka guud ee gobolka Mudug ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay baaqashada Ra’iisul Wasaaraha iyadoo ay ku balansanayeen inuu yimaado.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka hadlaya baaqshada Khayre ayaa yiri “Waxaan la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaan u sheegay in dhismaha dekadda Garacad la dhagax dhigayo,waana ka codsaday in ay kasoo qaybgalaan dhagax dhiga madaxda Dowladda Faderalku,wuxuu yiri isug waa tashanaynaye,waana igu soo celiyey telefoonka,wuxuu yiri waxaa idiin imaanaya Raisalwasaare Kheyre.PM Kheyre Puntland waa joogaa mana noo imaan,madaxda Soomaaliya waxan heysanay inay yihiin madax Qaran ,lakiin taa mid ka duwan bay noo muujiyeen”

Dhismaha dekadda cusub ee magaalada Garacad ee degmadda Jariiban ayaa maanta waxaa si rasmi ah u dhagax dhigay Madaxweyne Gaas iyadoo ay goobta xaadir ku ahayd shirkadii dhisi lahayd waxaana lagu dhisayaa isku tashi Bulshadda Puntland.

Daawo sawirrda

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28
Puntlandes.com

About The Author