Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Sudan

05 Aug 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaasoo ay uga qeyb galayaan shirka IGAD ee nabadeynta dalka Koofurta Sudan.

45a1a9

Safarkan oo markii hore u qorsheysnaa Madaxweyne Farmaajo inuu u ambabaxo Sudan ayaa saacadihii u dambeeyay ka baaqday, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu bedelay safarkaas.

Maalin ka hor ayay aheyd markii la faafiyay warqad ku qornaa afka Carabiga oo ahaa liiska wafdiga Madaxweynaha u raaci lahaa Sudan, balse markii dambe la hakiyay.

Lama garanayo sababta uu safarka uga baaqday Madaxweyne Farmaajo oo isagoo ku casuunaa uu booskiisa u galay Khayre.

Puntlandes.com

About The Author