Feysal Waraabe “Anigu Muuse maba u dooran laheen madaxweyne waayo waxaa ku yar siyaasada & hab maamulka”

05 Aug 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa daboolka ka qaaday in Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi uu sharciga Somaliland u gacan galiyay shaqsiyaad aan Lix bil ka hor aqoon laheyn.

38a7

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in sharciga Somaliland uu yahay mid ay maamulanayaan waxa uu ugu yeeray shaqsiyaad aan aqoon laheyn kuwaa oo uu tilmaamay in boholo mugdi ah ay kusii wadaan Somaliland.

“Adeer anigu ma aaminsani in dalka uu hagaagi doono waayo sharciyada dhan waxaa naloogu dhiibay ilmo yar oo aan waxba garan oo ilmo adeer la ah Muuse”

“Sharciga waxa uu soo dhaafi la’yahay madaxtooyada marka waxaan leeyahay Somaliland maaha Madaxtooyada qura ee waa in wax laga bedelaa sharciyada maamulkooda loo gacan galshay shaqsiyaadka”

Waxa uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Muuse Biixi uu ka badin la’ yahay kool-koolinta reerkiisa, isagoo arrinka noocaasi ah ku sheegay mid dhulka galin kara sharciga iyo kala danbeyntii ka jirtay Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Muuse Biixi uu khaladaad cad ka galaayo Qaranka balse uusan diyaar u aheyn in xiligaan uu la wadaago talooyin arrintaasi ku saabsan.

“Anigu Muuse maba u dooran laheen madaxweyne waayo waxaa ku yar siyaasada iyo hab maamulka waxa uu ka badin la’ yahay cidiisa iyo inta uu saaxiibada la yahay”

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Muuse Biixi uu kala fadilo shacabkiisa, waxa uuna kaga digay inaanu baal-madow ka galin Somaliland.

Puntlandes.com

About The Author